Blog

Gabar Wax Baratay Mala Qabi Karaa?

Suaashan waa suaal ilaa markaan dugsiga hoose bilaabay ilaa maanta oo aan qof wayn ahay dhaga hayga ku soo dhacaysay. Waa suaal ay waxyaabo badani ku hoos jiraan. Waa suaal kamid ah siyaabaha gabdhaha niyada looga jabsho oo hankooda loo wiiqo. Waa suaal qayb ka ah siyaabaha maskixiyanka ah ee loola dagaalamo horumarka wax barasho ama shaqo ee dumarka. Waa suaal ka mida isku dayga in dumarka cilmiga laga hor istaago oo jahli iyo mugdi ay waligood ku jiraan. Suaashan waxaa laga fahmayaa fikirka ah in waxbarashada gabadhaa iyo guurka gabadhu ay iska hor imaanayaan oo is diidayaan. Waxaa ku hoos jira fikir ah in ay gabadhu kala doorato nolosheeda khaaska ah, ee in ay guursato, ilmo dhasho, oo reer dhaqato ah iyo in ay wax barato, shaqaysato, umada wax u tarto, wakhtigii Alle siiyay ay ka faaiidaysato, oo ay aduunka wax ku soo kordhiso. 

Waxaan isku dayay in aan ka sal gaaro sababaha ay dadka qaar u qaateen fikirkan khaldan ee ah in aan gabadha wax baratay la dhaqan karin, reer ay san dhaqan karin amaba aan la qabi karin. Dad badan ayaan suaashan way diiyay. Ilaa hadana mahayo sabab caqli gal ah ama macquul ah oo fikirkaas ay dadka qaarkood u qaateen. Waxaan qoraalkan ku qaadaa dhigi doonaa sababaha ay dadka qaar ii sheegeen, waxa aan ka qabo, iyo talada aan siinayo gabdhaha ama dumarka Soomaaliyeed. 

Wax yaalo badan ayay dadka fikirka an kor ku xusay qaba sababaysteen. Waxaan ka soo qaatay afartii ugu macnaha roonaa, uguna soo noqnoqoshada badnaa. Waxayna ahaayeen: 

1. Gabdhaha wax bartay been laguma soo xera galin karo oo wixii la rabo lagama dhaadhicin karo. 

Fikirkan ah in gabdhaha been lagu soo xera galiyo waa kan ugu liita intii wax ee ay dadku sababaysteen. Waxaana ku tusinaya in uu yahay fikir aad u liita sadex qodob ee aan hoos ku faahfaahinayo. Sadex daa qodob oo ah in beentu xaaraan tahay, in beentu muujinayso kalsooni daro qofka haysa, iyo in ay beentu dhaawacdo xiriirka dadka ka dhexeeya. 

Tan koobaad, fikirkan ah in been gabadha lagu soo xera galiyo waa shay xaaraana oo danbi ah, diinta Islaamkuna ogolayn. Beentu in ay xaaraan tahay oo danbi wayn tahay doodi kama taagna. Waxaa kusoo arooray aayado badan oo quraan ah iyo axaadiis yo badan. Hadaba sideen u caadaysanay oon ugu doodaynaa wax diinta Islaamku ogolayn? 

Rasuulku (SCW) Wuxuu yiri:

 “‏ عَلَيْكُمْ بِالصِّدْقِ فَإِنَّ الصِّدْقَ يَهْدِي إِلَى الْبِرِّ وَإِنَّ الْبِرَّ يَهْدِي إِلَى الْجَنَّةِ وَمَا يَزَالُ الرَّجُلُ يَصْدُقُ وَيَتَحَرَّى الصِّدْقَ حَتَّى يُكْتَبَ عِنْدَ اللَّهِ صِدِّيقًا وَإِيَّاكُمْ وَالْكَذِبَ فَإِنَّ الْكَذِبَ يَهْدِي إِلَى الْفُجُورِ وَإِنَّ الْفُجُورَ يَهْدِي إِلَى النَّارِ وَمَا يَزَالُ الرَّجُلُ يَكْذِبُ وَيَتَحَرَّى الْكَذِبَ حَتَّى يُكْتَبَ عِنْدَ اللَّهِ كَذَّابًا ‏”‏ ‏.‏

“Waxaa korkiina ahaaday in aad runta sheegtaan, waayo runtu waxay dadka ku hanuunisaa wanaaga…waxaan idiinka digayaa beenta…waxay ku hanuunisaa dadka naarta..” (Sahih Muslim).

Xadiiskan kor ku qoran wuxuu rasuulku inagu booriyay in aan runta sheegno beentana aan ka fogaano. Beentu waa shay xaaraan ah, waana danbi. Mana aha qofka muslimka ahi in uu been sheego. 

Tan labaad, fikirkan waxaa ka muuqda kalsooni daro uu qofku naftiisa iyo waxa uu yahay uusan ku kalsoonayn. Kalsooni daradaas oo ah in uu ninku aamin sanyahay gabadhu in aysan aqbalayn oo uu ka hooseeyo waxa ay doonaysay. Sidaa darteedna ay tahay in uu been sheego si uu gabadhii u helo iyadoo u haysata in uu yahay wax uusan ahayn. Kalsoonidu waa in uu qofku ka run sheego waxa uu yahay, ama halagu raaco ama halgu diido. 

Tan sadexaad, fikirkan waa mid dhaawac u gaysan kara xiriirka labada qof ee is qaba oo aan aaminsanahay in uu furiinka umadeena ku soo badanaya uu qayb wayn ka yahay. Xiirka labada qof ee is qaba u dhaxeeya waa mid ku dhisan isku kalsooni iyo is aaminaad. Hadii labada qof kala aamin baxaan waxaa wiiqmaya guurkoodii iyo xiriirkii ay lahaayeen. Waayo, hadii qofku shalay been kuu sheegay oo aad been ku ogaatay sidee baad ku aamini kartaa? Sidee nolo ula qaybsan kartaa qof aad ogtahay in uu beenaale yahay? 

2. Gabdhaha wax bartay lama hogaamin karo oo taladii reerka ayay kugu qabsanayaan. 

Fikirkan ah in gabdhaha wax bartay la hogaamin karin markii aan sii waydiiyay oo aan sii baaray waxa loogala jeedo, waxaa iisoo baxday in laga wado dhawr shay. In laga wado in gabadha wax baratay caqli iyo garaad ay leedahay oo aysan ogolaanayn in lagu xad gudbo. In gabadha wax baratay ay la xisaabtami karayso xaajigeeda, ayna garteeda dhiiban karto oo si caqliyaysan waxa ay tabanayso ay u sheegan karto. In ay haysato fursad ay gabadha aan wax baran aysan haysan oo ah in ay shaqaysan karto, dhaqaale soo saari karto, oo aysan duruufo dhaqaale iyo biilka ciyaalku aysan ku khasbayn gabadha in ay ninka danu ku baday iskagala joogto. In wixii ninka laga rabay ay ka badanayaan biil baan ku siiyaaye shib dheh oo ay meeshaa soo galayaan rabitaano ama baahiyo kale oo ay gabadhu qabto. Iyo in macnaha hogaanka khalad laga fahmay. 

Horta in hogaanka reerka uu ninku hayo layskuma haysto oo Ilaahay ayaa masuuliyada hogaaminta, masuuliyada difaaca iyo ilaalinta, iyo tan biilkaba saaray. Ilaahay wuxuu yiri: 

ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍۢ وَبِمَآ أَنفَقُوا۟ مِنْ أَمْوَٰلِهِمْ ۚ فَٱلصَّـٰلِحَـٰتُ قَـٰنِتَـٰتٌ حَـٰفِظَـٰتٌۭ لِّلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُ ۚ وَٱلَّـٰتِى تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهْجُرُوهُنَّ فِى ٱلْمَضَاجِعِ وَٱضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا۟ عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيًّۭا كَبِيرًۭا

“Ragaa u taagan (maamulka) haweenka, ka fadilida Eebe qaarkood qaar iyo ku nafaqaynta xoolahooda darteed…” (Surah An-Nisa, 34)

In gabadhu caqli ay leedahay oo ay garteeda sheegan karto lana xisaabtami karto qofkasta oo xaqeedii ku xadgudba maaha wax gabdhaha lagu dhaleeceeyo ee waa wax lagu amaano. Waana shay muhiim u ah qof kaste oo nool oo caqli Ilaahay siiyay. Taasna waa sababta ay hooyooyinka Soomaalidu ugu heesaan gabdhahooda marka ay sidaan: 

Gardaraneey gobi ma ooydo

Garteeday sheegataaye 

Gacalooy gaagaabso gooha… 

Waa sharaf iyo wanaag in gabadhu caqli, karti, iyo garaad ay garteeda ku sheegan karto ay leedahay. In wixii khalada ay diidi karto oo aysan ogolaan in lagu xad gudbo. Marka halkaas ayaan uga baxayaa waayo waa wax iska cad oo uu fahmi karo qof kaste oo garaad leh. 

Hadaba arinkan ah in gabadhu ay helayso xoriyad dhaqaale hadii ay wax barato taas oo keeni karta in aysan dantu ku khasbayn in ay la joogto nin aysan rabin biil awgeed, iyana ku sii dheeraan mayo oo waa mid iska cad. Risqiga Ilaahay ayaa bixiya, kumana xirna wax barasho. Gabadhu in ay hesho xoriyad dhaqaale oo ay nafteeda iyo reerkeedaba wax ugu tari karto, nolosha qoyskeeda iyo tan umadaba ay kor ugu qaadi karto waa wax wanaagsan oo muhiim ah. Ma aha wax xun oo laysku dhaleeceeyo ama laysku naco. Xoriyada dhaqaaluhu waa karaamo Ilaahay qofka siiyo. Caqliga fayoow keebaa la fiinan, ma in ay gabadhu ninkeeda la joogto oo reerkeeda dhaqato iyada oo aan baahi dhaqaale ku khasbayn mise in ay ninka la joogto iyadoo aan niyad u hayn balse dantu ku kaliftay? Way iska cadahay oo halkaas ayaan uga baxayaa. 

Waxaa soo hartay tan ah khaladka macnaha hogaanka laga fahmay. Macnaha hogaamintu maaha in uu qofku kaligii tali yahay oo uu awood ku maquuniyo qof kaste oo uu hogaaminayo. Hogaanku waa kan dar yeela, ka war haya, ilaaliya, dhiiri galiya, oo dhisa dadka uu hogaaminayo. Soomaalidu waxay dhahaan nin habari dhashay hal seeg. Waxay kaloo dhahaan talada adiga kaa maqan walaalkaa ayay ku jirta. Hogaanka fiicani waa ka fahansan in, xitaa hadii uu go’aanka ugu danbeeya leeyahay, dadka uu hogaaminayo la tashada waayo waxaa laga yaabaa talo isaga ka maqan in ay qof uu hogaaminayo ku jirto. Hogaamiyeyaasha wanaagsan ee aduunku waxay wada leeyihiin la taliyayaal, tan reerkuna kama duwana. Hogaaminta iyo masuuliyada Ilaahay raga saaray aad ayay uga duwan tahay tan kali talisnimadaa. Marka fikirka hogaanka ha la iska saxo markaa waxaa la fahmayaa in gabadhu hadii ay talo soo jeedin karto ay wanaag iyo wax lagu amaano tahaye aysan ahayn wax lagu dhaleeceeyo. Macnaheeduna aysan ahayn in ay talada ninkeeda ku haysato balse ay la hagaajinayso oo ay ku garab istaagayso si uu uu masuuliyadii Alle saaray uu uga soo baxo. Waa Halkii ay Soomaalidu tiri oo ahayd in nin kaa xaas fiican, waligaa aadan gaari karin. Waayo talo laba maskax iyo laba caqli iyo laba awoodood layskugu geeyay way ka fiicantahay mid hal maskax, hal caqli iyo hal awoodi keentay. 

3. Gabdhaha wax bartay way isla wayn yihiin oo way kibir badan yihiin. 

Dadka banii aadamka ahi midba si ayuu Ilaahay u abuuray. Soomaalidu waxay dhahaan dadku waa shantaa farood oo kale, mid mid la joog ah ma jirto oo way kala duwan yihiin. Dadkuna waa sidaa. Gabdhaha wax bartay, islama wayna oo cilmiga ayaaba diidaya isla waynida. Cilmigu waa midka qofka fahan siiya qiimaha banii aadamka iyo waxa lagu qiimeeyo. Markaste oo uu cilmi qofka u siyaado, wuxuu fahmaa yarida cilmiga uu haysto taas oo qofka kibirka iyo isla waynida ka tirtirta. 

Kibirka iyo in dadka la yaso Ilaahay ma banayn oo waa wax ka baxsan diinta islaamka ah. Rasuulka (SCW) wuxuu noosheegay in qofka isla wayni iyo kibir qalbigiisa ku jiro uusan galaynin janada: 

 “‏ لاَ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ مَنْ كَانَ فِي قَلْبِهِ مِثْقَالُ حَبَّةٍ مِنْ خَرْدَلٍ مِنْ كِبْرٍ وَلاَ يَدْخُلُ النَّارَ مَنْ كَانَ فِي قَلْبِهِ مِثْقَالُ حَبَّةٍ مِنْ إِيمَانٍ ‏”‏ 

Ilaahay wuxuu na baray qiimaha qofka banii aadamkaa. Ilaahay wuxuu karaameeyay qofkaste oo banii aadam ah, oo wuxuu yiri:

وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِىٓ ءَادَمَ وَحَمَلْنَـٰهُمْ فِى ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ وَرَزَقْنَـٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ وَفَضَّلْنَـٰهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍۢ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًۭا”

Ilaahay wuxuu noo sheegay in qofka qiimihiisu uusan ahayn wuxuu bartay, wuxuu maal aduunyo haysto, qabiilka uu yahay, dherarkiisu intuu le’eg yahay iyo wixii la mida. Ilaahay wuxuu noo sheegay in qiimaha qofku yahay, inta uu Alle ka baqo:

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَـٰكُم مِّن ذَكَرٍۢ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَـٰكُمْ شُعُوبًۭا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓا۟ ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ ٱللَّهِ أَتْقَىٰكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۭ

Ilaahay wuxuu noo sheegay in uusan jeclayn qof kaste oo isla wayn oo faan badan: 

وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍۢ فَخُورٍۢ

Kibiku maaha shay banaan, mana ah sifo gabar Soomaaliyeed oo muslimad ah. Waxaan ku boorinayaa gabadhii kibir isku tuhunta in ay la dagaalanto oo ay iska bixiso. Waxaan ku boorinayaa wiilkii u arka in ay gabar kaste oo wax baratay kibir badan tahay oo ay yasayso uu qalbigiisa nadiifiyo oo ka nadiifiyo tuhunkaa xun iskuna dayo in uu fahmo gabadhu sababta ay ku diiday. Waxaa laga yaabaa in aysan kibar ahayn ee ay tahay dookh, ama dabeecado xun oo uu isagu leeyahay, ama sababo kaleba. 

4. Shaqada guriga ma yaqaanaan si loo qabto ama ma ogola in ay qabtaan. 

Qodobkan in laga hadlaba ma istaahilo waayo waa wax aad u macno yar. Maaha wax istaahila in lagu daro doorashada qofka ama qiimaynta qofka. Gabdhaha Soomaaliyeed intooda badan waxaa lagu tarbiyeeyaa in ay hawsha guriga qabtaan iyaga oo aad u yar yar. Intooda badan iyagoo wax barashadoodii wata ayay shaqada gurigana qabtaan. 

Tan labaad, gabdhaha looma abuurin in ay shaqada guriga iyaga kaliya ka qabtaan. Hawsha gurigu waxay ka mid tahay nolol maalmeedka qofka banii aadamka ah. Qof kaste oo nool wuxuu u baahanyahay in uu cunto iyo meel nadiifa oo uu seexdo helo. Ama asagu ha diyaarsado ama qof kale ha u diyaariyo. Sunada wanaagsan ee aan ka soo gaarnay rasuulka (SCW) iyo saxaabada waa in ninku ama wiilku reerkiisa garab istaago marka ay noqoto shaqada guriga uu wax ka qabto. Rasuulka (SCW) qof ka fiican oo gaara Ilaahay ma abuurin, isaguna hawsha guriga reer kiisa wuu ka caawin jiray. Saxiixul Bukhaari waxaa ku qoran xadiis ay Caaisha (RC) ka soo warisay rasuulka, waxay tiri wuxuu ahaa mid reerkiisa u adeega:

كَانَ فِي مِهْنَةِ أَهْلِهِ، فَإِذَا حَضَرَتِ الصَّلاَةُ قَامَ إِلَى الصَّلاَةِ‏”

Marka qofku in uu reerkiisa u adeego, ama dumar ha ahaado ama rag ha ahaado waa sharaf iyo wax ku dayasho mudan. Maba aha wax gabdhaha kaliya lagu waajib yeelay. Waana sunne rasuulka iyo saxaabadii in aan uga dayano mudan. 

Tan sadexaad, waxaa maanta la joogaa aduunyo horumartay. Waxaa jira mashiino iyo aalado badan oo fududaynaya hawsha guriga. Waxaa dhawaan soo baxay mashiin guriga xaaqaya oo wixii qashina ka guraya oo inta la shido la iska sii daynayo. Waxaa kaloo jira dad la shaqaalaysiin karo oo lacag yar qaata kuwaas oo hawsha guriga oo dhan qaban kara. Waajib maaha in ay gabadha iyadu hawsha qabato, muhiimadu waa in hawsha la qabto. Gabadhii aan hawsha qabana qiimaheeda iyo wanaageeda waxba kama dhimayso. 

Hadaba gabareey maxaa kula gudboon? Ama gabdhoow maxaa inala gudboon? 

Tan koobaad, guurku sidiisaba waa calaf. Ilaahay ayaa qoray cida aad guursanayso, waxaad cunayso iyo meeshaad cagdhigaysaba. Waligaa niyadaada Ilaali oo ha isku dayin in aad wiiqdo riyooyinkaaga si aad guur ama reer u hesho. Guurka, cilmiga, iyo caqliguna isma diidayaan. Adoo wax bartay, oo shaqaysta, oo aduunka wax ku soo kordhiyay ayaad reerkaaga dhaqan kartaa oo ilmahaaga kor san kartaa. Waligaa yaan lagaa dhaadhicin in aad kala doorato labadaa oo labaduba ah qaybo muhiima oo nolosho ka mida. Tan kale, ragoo  dhani isku mid maaha, waxaa ku jira rag badan oo fahansan qiimaha gabadha wax baratay iyo qiimaha gabadha xoriyad dhaqaale haysata. Isku day in aad ku dadaasho sidii aad hadafka noloshaada ku gaari lahayd adoon is dhihin amaad wax ku waydaa. Wax walba Ilaahay wuu awooda, Alle bari, Alle isku xir, horayna u soco. 

Tan labaad, waxaa jira dabeecado ay banii aadamku leeyihiin. Dabeecadahaas waxaa kamida in wax kaste, wax fiican iyo wax xunba, wax laga sheego oo hadal laga keeno. Waxaa jirta sheeko hada ka hor aan akhriyay oo ka sheekaynaysay wiil iyo aabihii iyo dameer ay wateen.

Wiilka iyo aabihii inta dameerkoodii hogaanka u qabteen ayay lugeeyeen. Waxay soo hor mareen dad meel fadhiya. Dadkii ayaa yiri, war labadan doqon eega. Dameer bay wataan, mana fuulayaan oo way lugaynayaan. May dameerka fuulaan. Wiilkii iyo aabihii waxay isla fuuleen dameerkoodii oo halkaa ka sii socdeen. 

Waxoogaa kadib waxay soo hor mareen dad kale oo meel fadhiya. Waxay dadkii dhaheen, war labadan arxan laawe daya. Dameerka miskiinka ah bay isla koreen. Muu midkoodba mar dameerka koro. Wiilkii ayaa dameerkii inta ka dagay hogaanka u qabtay. 

Waxoogaa kadib waxay soo hor mareen dadkale oo meel fadhiya. Waxay dadkii dhaheen, war odaygu xaasid sanaa. Intuu dameerkii isagu koray ayuu wiilkiisii yaraana lugaysiiyay. Aabe fiican maaha oo waxay ahayd inuu wiilka dameerka saaro. Aabihii ayaa inta dameerkii ka dagay wiilkiisii saaray oo isagu hogaanka u qabtay dameerkii. 

Waxoogaa kadib waxay soo hor mareen dad kale oo meel fadhiya. Dadkii ayaa waxay dhaheen, war wiilku caasisanaa. Intuu dameerkii koray ayuu aabihii lugaysiiyay. Waxay ahayd in uu isagu lugeeyo oo aabihii dameerka fuulo. 

Wax walba oo ay sameeyeen wiilkii iyo aabihii dad ayaa hadal ka keenay. Banii aadamku waa sidaas oo isku si wax uma arkaan, markastana hadal ayay ka keenaan wax walba oo aad samayso. Muhiimadu waa in aanaan isku mashquulin waxa dadku ay oranayaan ee aan danteena ku mashquulno. Waa in aan ka fakarno sida aan rabno in aan u noolaano, heerka aan rabno in aan gaarno, waxyaalaha aan rabno in aan qabsano, iyo mustaqbalka aan jecelnahay in aan gaarno oo aan himiladeena ku dadaalno. Hadii aan wax barano iyo hadii aanaan wax baranba lama waayayo dad hadal ka keena. Hadii aan reer dhaqano iyo hadii aanaan dhaqanba lama waayayo dad hadal ka keena. Noloshaan inaga ayaa iska leh, inaga unbuuna Ilaahay nagala xisaabtami. Marka waxaa inala gudboon in aan inagu ka fikirno danteena, go’aana aan ka gaarno mustaqbalkeena iyo qaabka aan u noolaanayno taas oo gabar kaste gooni u ah.  

Wabilaahi tawfiiq. Wixii falcelin ah waa xagiina. 

 

10 thoughts

  • Waa qoraal dahabi ah! Suaashaan cidda la waydiiyo ayey ku xidhan tahay, haddii la waydiiyo qof doob ah si ayuu uga jawaabi mala awaal ah, haddii la waydiiyo nin xaas waxbaratay qaba asna si kaluu uga jawaabin haddii la waydiiyo nin xaas aan waxba badan qabana asna si kaluu uga jawaabin, intaasba waxaa suaalahooda saamayn kuleh heerka waxbarasho ee laga hadlayo, da’da iyo dookha qofka.

  • Gabar wax baratay, wey wanaagsan tahay, laakiin muhiimada waa ina aadan ka aqoon yaraan oo haddii aad ka aqoon yaraato, halku ma noqonayo mid isla dheeli tiran.

  • السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    Profosorad FADUMO YUSUF, waad ku mahadsan tahay qormadada quruxda badan iyo sida wanaagsan ee aad ku bayaanisay khaladka guracan ee umadda soomaaliyeed dhashtay, kaasoo dadka waxbartayna aysan baaritaan iyo bayaamin aysan ku samayn. Waan kaaga mahad celinaya mar labaad sida asluubaysan, aqoon iyo ixtiraamna ku dheehan tahay ee aad u cadaysay fahadka khaldan ee laga fahmay nolosha iyo la macaamilka dumarka.
    Waxan filayaa inti aqriso qormadaan inay wax badan ka bedeli doonto noloshooda iyo habdhaqanka dumarka ama ragga.
    Runti waxad gelisay waqti rabbi hagaa ajar siiyo walaashey guul iyo hormar ayaan ku rajaynayaa.
    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

  • Manshallah waa qoraalkii macno, sal iyo mug leh oo kusaabsad xaqiiqada murugada leh ee haysata raga iyo hablaha Soomaaliyeed. runtii waxay iguqaadatay ilaa 36 daqiiqo inaa akhriyo waliba joojiyo akhriskayga marmar si’aan ufahmo sawiraanta lasocda qoraalka ee maskaxdayda kusoodhacaya. Koley inta caqligaleh waa u cashar wanaagsan intakalana allah wax hafansiiyo adigana Allah caqliga iyo garaadkaaga hakuusiyaadiyo wll Fadumo Yusuf

  • MashaAllah, maqaaal cajiib ah, si fiican ayaad u dhigtey. Hooyo waxbaratey oo garaad iyo caqli leh waxa ay soo saartaa caruur aqoon, Garaad iyo caqli leh iyo qoys wanaagsan.
    Mahadsanid walaal, Allaha kuu barakeeyo Cilmiga iyo Garaadka

  • Wax badan way jiraan lkn adiga waxa kaliya oo aad ka fakartay aa ah sida aad lacag u samayn lahayd oo ninka jeebkiisa uga kaaftoomi lahayd!
    MAKA FAKARTAY:
    1-hadii labadii waalid guriga kawada tagaan oo shaqo lawada aado dayaca ilmaha ku imaanaa?
    2- maka fakartay ilmaha tarbiyadooda soda ay noqonayso hadii ay waayaan waalid wax u sheego oo la joogo markaste?
    3 ilmo shaqaale looga kala tagay muxuu ku sugnaan doonaa ?

    Muhiimadda ay ragga dumarka shaqada ugu diidaan aa ah in ay helaan maamo ilmihii sii tarbiyeyso lkn maamo lacag raadis ah ilmo kama war hayso.
    Hadii ay maamada wax barato waa wax feecan 100% lkn waxaa la rabaa hadii aysan danta ku qasbayn in ay joogto gurigeeda oo ilmaheeda ku tarbiyeyso cilmiga ay soo baratay👨‍👩‍👧‍👦

  • Arrinkaan aad kahadashay waa mid dood wanaagsan kudhisan, midna waa xaqiiqo oo qofka wax bartay gabar iyo wiil midkii uu doono ha ahaadee waa ka qabowyahay qofka aanan waxba baranin.

  • Qof wax bartay iyo qof aan waxba barani isku mid maaha,xataa marka laga yimaado bini aadamka,eeyga wax la baray la mid maaha kan aan waxba la barin.
    Waxyaabaha aan ku doodo waxa ka mid ah,hooyada waxbarata macal hadii aanay ku shaqaysan wixii aay baratay,khasaare maaha oo ciyaalkeeda ayay atleast casharka ugu celin kartaa!!.
    Wax kasta oo cusubi cilad ayay leeyihiin,si guud marka Loo eego waxbarashadu waay inagu cusub tahay,weliba in aay dumarku wac bartaan waay innagu sii cusub tahay.
    Taas ayaa keentay in la isku wadi kari waayo waxbarashadii iyo noloshii kale ee guurka,markaa qofkii labada mid uun buu u go’ayaa.
    Hadaad u fiirsado habluhu marka aay guursadan ayaa waxbarasho ugu danbeyseysa intooda badan,qaarna waxbarasho iyo shaqo ayay u go’aan.
    Markaa waxa loo baahan yahay sidii labadaas la isku waafajin lahaa??

Leave a Reply