Raxmadii Rabigeena
Ruuneey ina hooyo
Raxmadii Eebeheen iyo
Ramadaankii wuu iskeenay
Ee wax yar baan kuu runsheegiye
Qalbigaaga u raarici
Raashinkaad karinaysiyo
Reerka aad quudinaysaa
Siduu sheegay Rasuulku (scw)
Raasamaal aakhiraad iyo
Raxmad weeye Ilaahay
Ruqiyaay kula maagaye
Haw malaynin rafaad
Ramadaankani kiisa
Ruuxii gaari Allaa oge
Nafta intii aad rabayso
Ratil quraanka Eeboo
Rukuucoo sujuudoo
Rabbigeena xuskiisana
Ha hilmaamin Rumaaneey
Raasamaalka aduunka
Rasaaqeenu ku siiyay
Goortu mawdku ku raadshee
Naftu kaa rawaxdaa buu
Ruux kaleeto dhaxlaaye
Ee Rugtii aakhira gaysoo
Maantadaa aynu roognaa
U riyaaq bixintooda
Reerihii ehel kaaga
Qaraabadiyo rixinkii
Xididkaad kala raagteen
Rabigeena Raxiimkiyo
Noo sheege Rasuulkuye (scw)
Ee taleefoonka ku raadi
Oo soo bariidi Rumaaneey
Fadumo Derbi